xukun militeri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xukun militeri
m.l 1. (siyaasad) Dawlad militari oo ku qabsatay awoodda xukunka xoog militeri, doorasho la'aan. 2. (siyaasad) Sharciyo gaar ahaan lagu soo rogo dal, awood dheraadna siiya taliyaasha xoogga dalka, markuu dalkas gudihiisa ama dibaddiisa dagaal halis ah ka jiro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xukun militeri
m.l 1. (siyaa.) Dawlad militri oo ku qabsatay awoodda xukunka xoog militeri, doorasho la'aan. 2. (siyaa.) Sharciyo gaar ahaan lagu soo rogo dal, awood dheraadna siiya taliyaasha xoogga dalka, markuu dalkas gudihiisa ama dibaddiisa dagaal halis ah ka jiro.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xukun milateri
(n) martial law (maar-shal loo)-, military rule ~ xukun ciidan
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xudun meere
Circumcenter
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Susun joomateri
Progression, geometric
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
susun joometeri
m.l (xisaab) Susun saamiga u dhexeeya tibix kasta iyo tan ka horreysa madoorsoomaha ah waxaa lagu magacaabaa saamiga ay wadaagaan. Dansaanka susun joometeri waa sidan: a, ar, ar2, a3, a4,..., an taas oo r ay tahay saamiga ay wadaagaan, ana tibixda koowaad.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Susun joometeri
Geometric progression